Xudur ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa laga helaya howlgal ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ay xalay ka sameyeen nawaaxiga deegaanka Moora-Gaabeey, oo 37 km u jirta degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Howlgalka oo si xeeladeysan loo abaabulay ayaa waxaa lagu dilay in ka badan saddex katirsan Al-habaab, halka in ka badan toban xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta lagu dhaawacay.
Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad, ayaa sidoo kale ku soo furtay agab ciidan oo ay ku jirto hub iyo saanad ay isticmaalayeen kooxaha nabad-diidka ah.
Taliyaha Qeybta 60-aad ee CXDS, Gaashaanle Sare Maxamed Yariis Aadan, oo la hadlay Warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxda Al-shabaab, ayna Ciidanku ka go’an tahay inay sugaan amniga deegaanka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply