Muqdishob (Raxanreeb Online) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa toddobaadkii hore booqasho ku yimid Muqdisho seddex sano kaddib markuu ka dhoofay caasimadda Soomaaliya oo uu degay Dooxa, caasimadda Qadar.
Madaxweynihii hore waxaa soo dhoweeyey labo kooxood oo kala dano ah. Koox aad u taageersan kala goynta Soomaaliya iyo koox leh labo ujeedddo, hadba tii u hirgasha:
In Framaajo haddii uu ku soo noqdo Villa Soomaaliya uu tirtiro go’aammadii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula soo wareegtay dhul dowladdu leedahay oo si sharidarro ah loo degganaa Muqdisho, ama haddii ay taasi suurtoobi weyso, in dhul cusub aan lala wareegin.
Ma cadda maamulayaasha ololaha Farmaajo, hase ahaatee maalgeliyihiisii siyaasadeed, Fahad Yaasiin, wuxuu sanad ka hor sheegay in xiriirkii uu la lahaa Farmaajo uu soo gabagaboobay.
Farmaajo kama tirsana Haybad Qaran ama Isbahaysiga Mustaqbalka Soomaaliya, labada isbahaysi la loollamaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sanadkii 2016 markuu Farmaajo ku dhawaaqay inuu tartamayo waxaa jiray taageero uu ka helay Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, oo markaas ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Waddani. “Codadkii ugu badnaa ee beesha Dir inuu Farmaajo helo waxaa suurtaggaliyay Cirro” ayuu yiri Xildhibaan ka soo jeeda Hargeysa oo ka mid ah Aqalka Hoose.
Booqashada Farmaajo ku yimid Muqdisho waxay calaamad u tahay sida siyaasadda Soomaaliya u cakiran tahay marka la eego isbahaysiyada kala aragtida oo kala qeybsanaantoodu faa’iido siyaasadeed u tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale Farmaajo wuxuu taageersan yahay siyaasadda maamulka hawada iyo dekedaha ay dhowaan Dowladda Federaalka Soomaaliya dhaqangelisay.

Leave a Reply