Muqdishi (Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyey kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 9-aad ee Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka furay ayaa bogaadiyey guddiyada Golaha Shacabka howlaha ay hayaan ee la xiriira ka shaqeynta shuruucda ay gacanta ku haayaan iyo kulamada la xisaabtanka ah ee ay la yeelanayaan wasaaradaha iyo hay’adaha ay kor-joogteynta ku leeyihiin.
Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa xubnaha Guddiga Joogtada uga warbixiyey shirkii Guddoomiyeyaasha Baarlamaanadda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaasi oo Guddoomiyaha Golaha Shacabka loogu doortay shir guddoonka guddoomiyeyaasha baarlamaannada Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in Soomaaliya bartamaha sanadka 2026 ay marti geliso shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannadda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.
Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ayaa guddi walba ka dhageystay warbixin ku saabsan shuruucda hortaala iyo sidoo kale habraacyada u dhiman, waxaana xubnaha guddiga ajendeyn iyo jadwaleyn ku sameeyeen ajendayaasha kulamada guud ee golaha todobaadka soo socda.
Ugu dambeyn guddomiyaha ayaa kulanka soo xiray waxa uuna kula dardaarmay guddiyada Golaha in ay dardargeliyaan ka shaqeynta shuruucda hortaala islamarkaana ay goleweynaha u gudbiyaan si uu waajibaadkiisa uga guto.

Leave a Reply