Dagaal culus oo ka socda magaalada Marka

Marka (Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa laga helaya Dagaal hadda ka socda degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalkan ayaa waxa uu u dhaxeeya Taliyaha NISA iyo Gudoomiyaha Degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Warar hordhac oo kasoo baxaya dagaalka ayaa waxa ay ku waramayaan in dagaalka uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan ayaa ilaa iyo hadda si dhab loo ogeyn waxa uu salka ku hayo, balse warar madax banaan ayaa tilmaamaya in muddooyinkii dambe labada dhinac ay xurguf hoose ay ka dhex taagneed.

Geesta kale dagaalkan ayaa laga cabsi qaba in uu saameyn ku yeesho xaalada magaalada, iyada dadka deegaanka ay soo wajahday cabsi ay ka qabaan in waxyeelo ay dagaalka kasoo gaarto.

Weli labada dhinac ayaa isku hor fadhiya qeybo ka mid ah Degmada marka gaar ahaan Xarunta Gobolka waxaana ilaa hada la maqlayaa rasaas teelteel ah oo ka dhacaysa meelaha lagu Dagaalamay.

Sidoo kalee waxaa gabi ahaanba istaagay isku socodkii Dadweynaha iyo Ganacsiga.

Wixii warkan ku soo kordho halkan kala soco

Leave a Reply

Your email address will not be published.