Nairobi (Raxanreeb Online) Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya ayaa digniin adag u direy dhallinyarada Soomaaliyeed ee wadooyinka magalada Nairobi iskaga duuba muqaalada.
Safiirka ayaa sheegay in dowlada Kenya ka dacwootey dhalinyaradaasi oo uu xusey iney isku dhigayaan baabuurta naftoodana haligayaan si ay sawir ugu galaan ama muuqaal ugu duubaan wadooyinka.
“Maalmahan waxaa jira dhalinyaro wadooyinka waawayn ee magalada Nairobi sawiro iskaga qaadaya, qof baa ku dhintay, qof baa ku dhaawacmay, waan ka digeynaa muhiim maaha sawirku waxaa muhiima noloshaada, sideedaba macquul maaha inaad sawir aad iskaga qaadid wado ay gawaadhi marayso, arintan dowlada Kenya way nagala hadashay dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan ku adkeynayaa muhiim maaha inaad gaadhi isku dhigto, sawirka aad galaysid waxaad iskaga qaadi kartaa hotel.” Ayuu yiri safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya.
Safiirka ayaa dhanka shacabka Keenyaanka ah u sheegay in waxani ahayn wax ay ka siman tahay Ummada Soomaaliyeed balse ay tahay koox dhalinyaro oo khalad fahansan, waa siduu hadalka u dhigee.

Leave a Reply