Maxey tahay qorshaha uu wasiirka arrimaha dibadda Turkiga u tagayo Imaaraatka ?

Ankara ( Raxanreeb Online) Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan ayaa maanta booqasho ku tagaya dalka Imaaraatka Carabta, sida ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Booqashadan waxay ku soo aadaysa xilli ay sare martay xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Imaaraatka , oo labadaba uu dano ka leeyahay Turkiga .

Dowladda Imaaraatka Carabta, ayaa waxa ay maalgashi ku leedahay Turkiga , waxaana socda qorsho ay Turkiga wado taa oo ay ku dooneyso in ay dib u xaliso, isla markaana ay is horfadhiisiso Soomaaliya iyo Imaaraatka, si xal looga helo xiriirka xumaaday ee labada dalka.

Geesta kale sida aad la socotaan dalka Turkiga ayaa heysto Muqdisho heshiisyo iskaashi iyo mid joogitaan milatari. waxaana turkiga uu xiligaan saameeyn ballaaran uu ku lee yahay Soomaaliya iyo waliba geeska Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published.