Mareykanka oo sheegay inuu ilaalin doono midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya

Muqdisho (Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la qaatay Sii-hayaha Safiirka Dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Justin Davis, waxa ayna ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labo-geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo la-dagaallanka argagixisada oo dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ay ka gaartay guulo wax-ku-ool ah.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa warbixin ka siiyey Danjiraha horumarrada laga gaaray amniga dalka, dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah iyo dadaallada Xukuumadda ee lagu xasilinayo deegaannada laga xoreeyay cadowga, isaga oo xusay, kana mahadceliyay in taageerada Dowladda Maraykanka iyo doorka muhiim ah ee ay ka qaadatay tababbarka, qalabeynta iyo  xirfadaynta ciidamada Qaranka.

Dhankiisa, Sii-hayaha Safiirka Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa bogaadiyey guulaha is-daba-joogga ah ee amniga ee ay gaartay xukuumadda, iyo dhinacyada siyaasadda iyo doorashooyinka dadweynaha, isaga oo xaqiijiyay in dowladda Maraykanka ay sii wadi doonto taageerada ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee dhinacyada amniga, taakulaynta ciidamada iyo gargaarka bini’aadantinimo oo xilligan ay dowladda Soomaaliya dadaal ugu jirto sidii gurmad loo gaarsiin lahaa bulshada ay saamaysay.

Danjire Justin ayaa ku adkeyay in dowladda Maraykanka si buuxda u taageersantahay midnimada iyo madaxbanaanida  dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.