War-maxan ( Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ka fuliyeen bartilmaameed ah oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, kaas oo ka dhacay agagaarka deegaanka War-maxan ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Hawlgalkaas waxaa lagu dilay laba ka mid ah maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab, halka laba kalana ay ciidanka nolosha lagu qabteen.
Sidoo kale, ciidanka ayaa hawlgalka ku qabtay walxaha qarxa oo Al-shabaab qorsheynayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka, waxa ayna ciidanka sidoo kale burburiyeen goobo ay Al-shabaab dadka lacago uga qaadi jireen.
Saraakiisha ciidanka ee howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in howlgalka uu u dhacay sidii la qorsheeyay, isla markaana ay guulo ka gareen, waxa ayna intaas ku dareen in la hortagay qaraxyo ay Shabaab doonayeen in ay ku dhibaateyaan shacabka Soomaaliyeed.
Sikastaba, ciidanka xoogga ayaa muddooyinkii dambe xoojiyay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka sameeynayaan deegaannada iyo degmooyinka Al-shabaab kaga sugan yihiin gobollada Dalka.

Leave a Reply