Xildhibaanada mucaaradka oo maanta kulan culus uga soconayo Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Magaalada Muqdisho, waxaa maanta kulan uga soconaya ku dhawaad 80 xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo laga ganaaxay fadhiyada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa haatan kulan ku leh guriga Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre.

Xildhibaannadan, oo isku magacaabay Baarlamaanka Xorta ah, ayaa qorsheynayay in kulankoodu saaka ka furmo Hotel Jaziira, hayeeshe ma uusan suura-galin.

Kulanka oo hadda ka socda guriga RW hore Khayre, ayaa la filayaa in xildhibaannadu kasoo saaraan warsaxaafadeed ay kaga hadlayaan xaaladda guud ee dalka.

Xildhibaanadan ayaa markii hore qorshahooda ahaa in kulankoodu ay ku shegayaan hotel Jaziira, balse waxaa la tilmaamay in taliska qeyb guud ee booliska gobolka Banaadir, uu hotelka amar ku siiyay in aysan xildhibaanadan shir ku yeelan karin.

Wixii warkan kusoo kordho halkan kala soco.

Leave a Reply

Your email address will not be published.