Muqdisho ( Raxanreeb Online) Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa kulan maanta hotel Decale ay ku yesheen madaxweynaha Soomaaliya iyo golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin madaxda Jubbaland iyo Puntland, iyo golaha samata-bixinta Soomaaliyeed,kaasi oo ahaa qado sharaf.
Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa hadalkiisa aad u koobay, wuxuuna sheegay in uu wada hadal diyaar u yahay, ayna tahay in shirka berrito sii socdo oo uu ka dhaco Villa Somaliya, madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Villa Somalia ay tahay goob uusan laheyn, ee ay ka dhacayso Soomaaliya oo dhan.
Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay isna in dalku marayo marxalad xasaasi ah, oo looga baahan yahay dawladda masuuliyad wada hadal dhab ah, wuxuuna tilmaamay in lajoogo waqtigii dhabta.
Sidoo kale madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa dhankiisa sheegay in wada hadalka ay soo dhaweynayaan, ayna tahay in xaqiiqada lagu soo dhawaado, kamana uusan hadlin dooda tagida Villa Somalia.
Sikastaba, kulankan ayaa la filaya in xubnaha labada dhinac ay sii socdaan, si xal looga gaaro mad-madowga u dhaxeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, lagana heshiiyo doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka.

Leave a Reply