Ugu yaraan shan mayd oo muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan labo haween ah, ayaa laga helay xeebta Qasr al-Akhyar, oo ah magaalo xeebeed dhacda bariga caasimadda Liibiya ee Tripoli, sida uu sarkaalka booliiska ah u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.
Hassan Al-Ghawil, oo ah madaxa baarista ee xarunta booliiska Qasr Al-Akhyar, ayaa sheegay in sida ay sheegeen dadka deegaanka, uu jiray maydka ilmo yar oo xeebta soo caariyey balse hirarka badda oo kacsan awgeed uu dib ugu noqday badda, iyadoo la codsaday in ciidanka ilaalada xeebaha ay raadiyaan.
Ghawil ayaa xusay in maydadka la helay ay dhammaantood yihiin dad Afrika kasoo jeed. Maydadkan ayaa laga helay xeebta Emhamid Al-Sharif ee qaybta galbeed ee magaalada, waxaana soo sheegay dad deegaanka ah oo la xiriiray saldhigga booliiska.
Libya waxay noqotay marin ay maraan muhaajiriinta ka baxsanaya colaadaha iyo faqriga ee u socda Yurub iyagoo sii dhex maraya badda Mediterranean-ka, tan iyo markii uu dhacay nidaamkii kaligii-taliye Mucammar Al-Qadaafi sannadkii 2011 kadib kacdoon ay taageerayeen gaashaanbuurta NATO. Colaadaha kooxaysiga ah ayaa dalka u qaybiyey dhinacyada bari iyo galbeed tan iyo sannadkii 2014-kii.

Leave a Reply