Labaatan Senator oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ayaa Arbacadii taageeray heshiis suurta-gal ah oo ay xiriir ku yeelanayaan Israel iyo Sacuudi Carabiya, balse walaac ka muujiyey damaanad qaad amni oo kasta ama taageero nukliyeer oo la siiyo Riyadh.
Author: Mohamed Jibril (Mohamed Jibril)
Tobanaan qof oo mas’uuliyiin ay ku jiraan oo ku dhintay dagaal ka dhacay Mudug
Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal qaraari uu shalay ka dhacay meel u dhaxaysa Wisil iyo degaanka Shabeelow oo ay dhowaan qabsadeen ciidamada dawladda iyo kuwa degaanka.
Al-Shabaab ‘oo laga saaray’ kaymaha Cali Fooldheere
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa sheegay in howlgal wadajir ah kooxda Al-Shabaab looga saaray kaymaha Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe, islamarkaana khasaarooyin culus lagu gaarsiiyey.
Ciidamada DF iyo Atms oo howlgallo ka dhan ah, Al-Shabaab kawada Shabeellaha Dhexe
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Howlgalka Kumeel-gaarka ah ee Midowga Afrika ATMIS ayaa howlgallo wadajir ah ka sameeyay tuulooyin hoostaga Deegaanka Cali Fooldheere Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.
Dagaal culus oo u dhaxeeya DF iyo Al-Shabaab oo ka socda Galmudug
Hawlgal Qorshaysan oo ay si Wadajir ah u fulinayaan Ciidanka Xoogga dalka iyo Ciidamada deegaanka ee Koofurta Mudug ayaa ka socda hawdka Shabeeloow ee Koofurta gobolkaas.
DF iyo Maamul Goboleedyada oo Baydhabo Shir uga furmay
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed.
Soomaaliya oo kaga qeyb galeysa Addis Ababa Shirka iskaashiga Geeska Africa
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa ka qeybgalay furitaanka shirka 18-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika.
Maxkamad dhageysaneysa kiis ku saabsan sharciga Uganda ee dadka isku jiinsiga ee isu galmooda
Maxkamadda dastuuriga ee dalka Uganda ayaa bilaabeysa dhageysiga dacwad ka dhan ah sharciga dadka isku jiinsiga ee isu galmooda oo laga dhaqan galiyay dalkaas, bishii May ee sanadkan, kadib markii uu saxiixay madaxweyne Yoweri Museveni.
UN oo maanta u codeyneyso in ciidamada Kenya loo dirayo Haiti iyo in kale
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Isniin ah la filayaa inuu u codeeyo qaraarka dhigaya in ciidamo caalami ah oo ay hoggaaminayso Kenya la geeyo dalka Haiti si ay u xakameeyaan rabshadaha kooxaha burcadda ah ee sii kordhaya.
Erdogaan oo ka hadlay qaraxii shalay ka dhacay Ankara
Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Axaddii sheegay in “argagixisada” aysan marna ku guuleysan doonin hadafkooda, saacado kadib markii qarax ka dhacay meel ku dhow xarunta baarlamanka ee Ankara uu dhaawacay laba sarkaal oo boolis ah.








