Muqdisho (Raxanreeb) — Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Howlgalka Kumeel-gaarka ah ee Midowga Afrika ATMIS ayaa howlgallo wadajir ah ka sameeyay tuulooyin hoostaga Deegaanka Cali Fooldheere Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.
Ciidankaan ayaa si wadajir ah u wada howlgallo xooggan oo soo billowday maalmo kahor kaddib markii ay heleen xogo la xiriira dagaalamayaal katirsan ‘AS’ iyo weerarro duqeymo Hoobiyeyaal ah oo saldhigyadooda lagu tuuray.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Deegaanka Cali Fooldheere ayaa sheegay in ciidanku ay burburiyeen goobo ay ku sugnaayeen ‘AS’ si ay uga hortagaan weerarrada ay halkaas kasoo abaabulaan.
Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ka socda howlgallo xooggan oo ka dhan ah ‘AS’ kuwaas oo si gaar ah uga socda deegaannada keymaha ama howdka ah oo maalmihii lasoo dhaafay la sheegay in ay halkaas isu uruursanayeen.
War kasoo baxay howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa lagu sheegay in howlgalka wadajir ah ee Ciidankooda la kaashadeen Askarta Federaalka laga gaaray guullo muhiim ah isla markaana ay sii wadi doonnaan waa sida hadalka loo dhigay.