Maxkamad ku taalla Madrid ayaa Talaadada soo saartay amar ah in xaaska Ra'iisul Wasaare Pedro Sanchez ay hor timaado 5-ta Luulyo, taasi oo qeyb ka ah baaritaan musuq-maasuq oo horudhac ah oo ku saabsan xiriiradeeda ganacsi.
Author: Mohamed Jibril (Mohamed Jibril)
Banki caan ah oo loo hyasto in uu taageero argagixiso
Banki laga leeyahay dalka Britain ayaa ka baxsaday dacwada la xiriirta in uu fududeeyey qorshe malaayiin Doollar oo lacag ah loogu gudbiyey kooxo taabacsan argagixiso.
Sawirro: Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galaya shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Seoul ee dalka South Korea.
Maleeshiyo beeleed ku dilay taliye boolis Shabeellaha Dhexe
Faah faahino dheeraad gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta iska hor imaad hubeysan uu ka dhacay deegaanka Xaaji Cali, oo hoostaga degmada Aadan Yabaal, ee gobolkaasi, kaas oo u dhex maray ciidanka booliska Soomaaliya iyo maleeshiyaad hubeysan.
Claudia Sheinbaum oo guul ka sheegatay doorashada Mexico
Xisbiga talada haya ee dalka Mexico ayaa sheegtay in doorashadi Axaddii shalay ka dhacday dalkaasi ay ku guuleysatay murashaxi iyaga matalayay oo ah haweeneyda lagu magacaabo Claudia Sheinbaum.
Sawirro: Puntland oo howlgallo ka dhan ah Daacish ka fulisay Boosaaso
Warar dheeraad ah, ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada amniga Puntland, ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaas oo ahaa mid ka dhan ah Daacish.
Ahmadinejad oo mar kale isu soo taagay xilka madaxweynaha Iran
Telefishinka qaranka Iran ayaa Axadii sheegay in madaxweynihii hore ee Iran, Mahmoud Ahmadinejad uu isu diiwaangeliyay inuu u tartamo doorashada madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacaysa 28-ka June, kadib geeridii madaxweynihii hore ee Iran Ebrahim Raisi oo ku dhintay shil diyaaradeed bishii hore.
Tababaraha cusub ee Fenerbahce Jose Mourinho oo gaaray Istanbul
Macalinkii labada jeer ku guuleystay koobka Champions League Jose Mourinho ayaa gaaray Istanbul, Axadii, iyada oo lagu wado in loo magacaabo tababaraha cusub ee kooxda Turkiga Fenerbahce.
Guddoomiye ku xigeen lagu dhex dilay gudaha Muqdisho
Faah faahino dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya dil ay xalay kooxo hubeysan ka gaysteen gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo ahaa mid qorsheysan oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado, oo markii danbena goobta isaga baxsaday.
Koonfur Galbeed oo si cad u diiday qorshaha DF dalka uga saareyso Ciidamada Itoobiya
Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa si weyn uga hor yimid qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, ee ku aadan bixitaanka ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya.









