Muqdisho (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta iska hor imaad hubeysan uu ka dhacay deegaanka Xaaji Cali, oo hoostaga degmada Aadan Yabaal, ee gobolkaasi, kaas oo u dhex maray ciidanka booliska Soomaaliya iyo maleeshiyaad hubeysan.
Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii ay ciidamada Boolidka u imaadeen halkaaso dil ka dhacay, kaas oo ahaa aano qabiil kadibna isku dhaceen labada ciidan, waxaana goobta ka dhacay is rasaaseyn sababtay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Dadka ku dhintay dagaalkan waxaa kamid ah laba xidigle Cabdikhaadir Maxamed Xaashi (Juuqlaawe) oo ahaa taliyaha ururka daraawiishta Booliiska ee gobolka Shabeellaha Dhexe, 2 dumar ah, wiil dhallinyaro ah, iyo nin kaloo xalay la dilay.
Mid kamid ah, dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in taliyaha uu u yimid in uu dhex dhexaadiyo maleeshiyo beeleed oo xalay ku dilay nin halkaasi, balse ugu danbeeyn isaga uu ku geeriyooday halkaasi.
Sidoo kale dilka taliyaha ayaa yimid kadib markii uu damcay taliyaha in uu hub kadhigid uu ku sameeyo maleeshiyada ku dagaalamay xalay, deegaankaasi, ugu danbeyna rasaas ooda loogu qaaday sida inoo xaqiijiyay mid ka mid ah, dadka deegaanka.
Kani waa taliyihii labaad ee dagaal lagu dilayo isla todobaadkan, waxayna ahayd Sabtidii markii isna la khaarijiyay taliyaha saldhigga degmada Bardaale ee gobolka Baay, Caliyow Boorow oo ku dhintay dagaal dhex-maray booliska iyo maleeshiyaad ku sugan halkaasi.
Xaaladda deegaanka ayaa ah, mid aad u kacsan iyadoo la dareemayo dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda, halkaas oo ay aad ugu xoogganyihiin maleeshiyo beeleed, hubeysan.
Taliyahan ayaa watay ciidamo boolis ah, oo ay dowladda federaalka ay gaysay gobolkaasi, si ay ukala dhex-galaan beelo horay ugu dagaallamay halkaasi.
Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, ayaa waxaa haatan ka socda colaad beeleedyo sababay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.