Axmed Madoobe oo dalacsiiyay sargaalkii diiday in loo adeegsado soo qabashadiisa

Kismaayo (Raxanreeb online) – Madaxweynaha maamullka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed (Madoobe) ayaa maanta abaal-mariyay mid kamid ah saraakiisha ciidanka maamulkaasi oo dhawaan sheegay in dowladda Soomaaliya lasoo xiriirtay, ayna usoo dirtay lacag kumaan kun oo dollar ah, si uu afgembiyo madaxweynihiisa lakiin uu ka biyo diiday qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa sarkaalkan oo lagu magacaabo Dhamme Cabdixakiin Xasan Cartan (Jabuuti) oo ah taliyaha aagga waqooyi ee Kismaayo u dalacsiiyay Darajada Gaashaanle, sida lagu shaaciyay wareegto ay soo saartay madaxtooyada maamulka Jubbaland.

“Gaashaanle Cabdixakiin Xasan Cartan (Jabuuti) ayuu Xasan Sheekh Maxamuud lacag gaaraysa 90,000 kun oo dollar ugu soo diray si uu u hoggaamiyo afgambi la doonayay in lagu dumiyo Dowladda Jubbaland iyadoo howshaas Xasan Sheekh Maxamuud uu u soo wakiishay Maxamuud Fanax oo ahaa Guddoomiyahii hore ee Degmada Badhaadhe oo hoggaaminayay duulaankii lagu soo qaaday Dowladda Jubbaland ee sida gardarada ah Ciidamada loogu soo daabulay deegaanka Raaskambooni oo 13sano kahor ka xoroobay Alshabaab” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay Jubbaland.

Dhanka kale, madaxweyne Axmed Madoobe ayaa bogaadiyay sarakiisha iyo shacabka ree Jubbaland oo iska diiday damaca guracan ee la doonayay in xasarado lagaga abuuro deegaankooda.

Tilifishinka Jubbaland ayaa horey u baahiyay codad uu sarkaalka maanta la dalacsiiyay ka duubay guddoomiyihii hore ee degmada Badhaadhe Maxamed Fanax, iyaga oo ka wada-hadlayay arrimo ku aadan xaaladdii ka taagneyd Raaskambooni oo mar dambe lasoo afjaray.

Ugudambeyntii, xasarada u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa weli taagan, waxaana haatan ay u weecatay gobolka Gedo oo ay isku hayaan labada dhinac.

Leave a Reply

Your email address will not be published.