Kismaayo ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta goobjoog ka ahaa dhaarinta Guddiga Adeegga Garsoorka ee Degmada Badhadhe, taas oo qeyb ka ah dardar galinta iyo kor u qaadista hanaanka cadaaladda iyo adeegyada sharciga ee heer degmo.
Xubnaha guddigan waxaa si rasmi ah u dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jubaland, mudane Cabdishakuur Sheekh Maxamed Rashiid iyadoo sidoo kale Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Jubaland mudane Nuuradiin Maxamed Khaliif uu kamid ahaa masuuliyiinta ka qeybgashay Munaasabadan kooban.
Madaxweynaha ayaa xubnaha cusub ku dhiirrigeliyay inay si hufan, daacad ah, oo ku dhisan sharciga u gutaan waajibaadkooda, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la helo nidaam garsoor oo u adeegaya bulshada si caddaalad iyo sinnaan ah.

Leave a Reply