Banaanbax looga horjeedo dowladda oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Banaanbax looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Banaanbaxan oo si gaar ah uga dhacday xaafada Oodweyne ee degmada Deyniile, ayaa waxaa dhigayay shacabka deegaanka oo kasoo horjeeda dowladdu guryo halkaasi ku yaalla oo dumis ah ku qortay.

Dadka dhigayay dibad-baxa oo isugu jira, Dhallinyaro, Haween iyo carruur, ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen erayo ay dowladda uga dalbanayaan in ay joojiyo burburinta gurahooda. Maamulka degmada ayaa calaamadeeyey qaar kamid ah guryaha taas oo astaan u ah dumis.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in ay xireen jidadka, ayagoo wato cagafyo iyo daba-jeex taas oo sii hurisay carrada shacabka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.