Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan oo fariin hanjabaad ah udiray Laftagareen

Beydhabo (Raxanreeb online) – Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa ka carooday xafladii sanad guurada aheyd ee uu dhigtay madaxweyne Laftagareen, waxayna saacado kooban u qabteen hoggaamiyaha maamulkaas oo u dabaal-degay sanad-guuradiisa 6-aad ee mudadii uu xukunka joogay.

Sidoo kale, Ciidamadan gadoodsan ayaa iska soo duubay muuqaalo ay ugu hanjabeen madaxweyne Laftagareen, iyagoo soo gudbiyey cabasho yaab leh, soona bandhigay dayacaad ay kala kulmeen madaxweyne Laftagareen.

Dhanka kale, Ciidanka  hadlay ayaa badankood waxay joogaan degmada Walaweyn iyo deegaano kale oo Laftagareen uu geeyey dhowr bilood ka hor, xilli ay isku dhacsanaayeen beesha Gaaljecel oo Daraawiishta maamulkaas ay dagaal la galeen.

Waxay shaaciyeen in madaxweyne Laftagareen uu habeen hore dhigtay xaflad weyn oo boqolaal kun oo doolar ay ku baxday, xilli ay ku dhibaateysan yihiin duurka oo mushaar iska dhaafe aysan heysan wax sahay ah.

Muuqaalka ciidankan oo ku faafiyey baraha bulshada, iyagoo muddo 24-saac gudahood ah  u qabtay in Laftagareen uu uga soo jawaabo cabashadooda.

Ciidamada qaar ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Laftagareen oo u dabaal degaya sanad guuro sharci darro ah, maadaama uu dhamaaday labo sano ka hor muddo xileedkiisii, in hadana madaxdii qaranka ay tageen Baydhaba oo la dabaal degeen Laftagareen.

Ciidankan ayaa sidoo kale, waxay sheegeen in gaajo u dhimanayaan  Laftagareena uu boqolaal kun oo dollar ku dhigtay hal munaasabad oo ku kacday boqolaal kun oo doolar, ciidankaan ayaa muujiyey cabasho xoogleh oo sanado ay la aamusnaayeen.

Guud ahaan Koonfur Galbeed waxaa ka jirta saboolnimo ay sababeen caqabado is biirsaday, caqabadahaas waxaa kamid ah go’doominta Al-Shabaab, maadaama aysan magaalo u gudbi Karin magaalo kale.

Sikastaba, Koonfur Galbeed waxaa kajiro maamul xumo iyo eex oo uu kow kayahay Laftagareen, hadana labo sano ayuu sharci darro ku joogaa xukunka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.