Muqdisho (Raxanreeb Online) Ciidamada Ammaanka ee Caasimadda Muqdisho, ayaa xog ay ka heleen shacabka Caasimadda, ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan Mooto lagu soo raray Hoobiyeyaal iyo Miinooyin ay Al-Shabaab doonayeen in shacabka ku dhibaateyaan.
Ciidamada amniga oo hayey xogta dhaqdhaqaaqa ayaa gudaha iyo daafaha degmada Deyniile ka fuliyey howlgal ay ku soo qabteen Mooto siday ilaa shan Hoobiye oo juwaano Qudaar ah lagu soo dhex-qariyey, taas oo Khawaarijtu ay doonayeen inay soo geliyaan gudaha Caasimadda Muqdisho.
“Dhagarqabihii waday Mootada ayaa isku dayey inuu qarxiyo mootada iyo wixii saaraan markii uu ogaaday in la qaban rabo, balse Ciidamada ayaa ka hortegay dhagartiisa, waxaana lasoo bandhigay sawirrada Hoobiyeyaasha la qabtay iyo Mootadii Qudaarta siday ee lagu soo dhexqariyey” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.
Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Amniga ee Caasimadda Muqdisho ayaa shacabka uga mahadceliyey doorka muuqda ee sugidda amniga ay ka qaadanayaan, iyagoo balan-qaaday in habeen iyo maalin ay u taagnaa doonaan ilaalinta amniga, badqabka bulshada iyo ka hortagga dhagaraha ay Al-Shabaab la damacsan yihiin shacabka Soomaaliyeed.



Leave a Reply