Ciidanka NISA oo qabtay Horjoogihii kooxda AS u qaabilsanaa Uruurinta lacagaha…

Afgooye ( Raxanreeb Online) Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo xalay ciidanka gaar ah ee Gaashaan ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, ay kusoo qabteen labo xubnood oo ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo si dhuumaaleysi ah kusoo galay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaana hay’adda NISA, ay sheegatay  in mid ka mid ah uu yahay Horjooge qaabilsanaa uruurinta lacagaha baadda ah, halka xubinta labaad uu katirsan yahay amniyaadka kooxda, waxaana la tilmaamtay in xubnahan ay ku howlanayeen uruurinta xogta ciidamada dowladda iyo qorsheynta dilalka qarsoon.

“Qabashada Horjoogahan Khawaarijta u qaabilsanaa lacagaha baadda ah, waxay daba socotaa digniin rasmi ah oo Hay’adda NISA ay soo saartay 20-kii bishan, taas oo lagu caddeeyay in uruurinta iyo bixinta lacagahaasi ay tahay maalgelin argagixiso oo ka dhan ah sharciga dalka iyo xeerarka caalamiga ah. Sidaas darteed, waxaa mar kale ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed looga digayaa in ay bixiyaan lacago lagu maalgalinayo Khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda NISA.

Sidoo kale hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday  in ay si degdeg ah ula soo xiriiraan hay’adaha amniga haddii ay la kulmaan cabsi, cadaadis ama baad kooxda Al-shabaab.

Sikastaba, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoojisay sidii ay ugu hortagi laheyd lacagaha kooxdu ay ka qaado ganacstada Soomaaliyeed, iyada oo dowladdu ay xirtay Akoono badan oo Al-shabaab lacagaha ku dirsan jireen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.