Janaale ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutada 14-ka October, ay ka sameeyeen tuulooyin ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka ayaa si gaar ah waxa ay uga fuliyeen tuulooyinka kala ah Malable, Siigaale iyo Buulo-Arundi oo hoostaga deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyaha Guutada 14-ka October, Gashaanle dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye, ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in Ciidamada ay cagta mariyeen xubno katirsan Al-shabaab oo isku diyaariyay inay lacag ka qaadaan shacabka beeraleyda ah ee ku nool tuulooyinka uu howlgalka ka dhacay.
Sidoo kale taliyaha ayaa xusay in howlgalka uu u dhacay sidii loogu talagalay, isla markaana ay ka hortageen qorshaha ay Al-shabaab, lacagaha uga qaadi rabeen shacabka tuulooyinkaasi.
Ciidanka xoogga dalka, ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howlgallada ay ka sameeynayaan deegaanada Al-shabaab, ay kaga sugan yihiin gobollada Shabeellaha Hoose.

Leave a Reply