Beledweyne (Raxanreeb online) – Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay deegaanka uu maro wabiga Shabeelle ayaa sababay fatahaad xoogan oo ka dhacday deegaano hoos yimada magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kaasi oo ay ku barakaceen boqolaal qof iyo burbur hantiyeed.
Daadad ayaa barakiciyay ku dhawaad toban tuulo waxayna baabi’iyen dhul beereed waxayna sare u qaadeen walaac degdeg ah oo ku saabsan dhibaato ka dhalankata fatahaada wabiga shabeele.
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee (SODMA) ayaa sheegtay in gurmadka ay muhiimad gaar ah siinayaan hoy deg deg ah, gargaar cunto iyo adeegyada caafimaadka ee dadka ay saameeyeen.
Fatahaada ayaa baabi’isay dalag aad u badan oo hektar ah, waxaana taasi u sii dheer cunno yarida ka jirta gobolka Hiiraan
Iyadoo inta badan dadka deegaanka ay ku tiirsan yihiin beeraha, khubaradu waxay ka digayaan in luminta dhul-beereedka ay keeni karto dhaqaale xumo daba dheeraatay.
Fatahaada ayaa ah mid ku soo noq noqotay magaalada Beledweyne.
waxaana sabab u ah isbadalka cimilada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha oo aan ku filneyn ee ku teedsan wabiga Shabeelle.
Ururada bini’aadantinimada iyo maamulada maxalliga ah ayaa ku baaqay maalgashi wakhti dheer ah oo lagu xoojinayo hareha webiga, dhaqamada beeraha oo waara, iyo nidaamyada maaraynta musiibooyinka adag.
Leave a Reply