Balad-xaawo ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland uu ka socdo gudaha degmadaasi.
Dagaalka ayaa yimid kaddib markii diyaarad nooca qumaatiga u kacday oo siday wefdi uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan ay ka degtay degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo. waxaana intaas kaddib ciidamo katirsan Jubbaland oo ka careeysnaa imaansha Janan ay weerar ku qaaday goobta uu ku sugnaa Cabdirashiid Janan.
Dowladda dhexe ayaa dhowaan Cabdirashiid Janan u magacaawday taliyaha hay’adda nabad sugida ee gobolka Gedo.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dagaalka uu weli socda, isla markaana uu jiro khasaaro soo kala gaaray labada dhinac, inkasto aan si rasmi ah loo heyn halka uu gaarsiisan yahay.
Wixii kusoo kordho warkan halkan kala soco

Leave a Reply