Daiyaarad aan nooceeda horay loo arkin oo ka degtay garoonka diyaaradaha Heathrow ee dalka Ingiriiska.

Heathrow (Raxanreeb online) – Warbaahinta caalamka qaarkood iyo baraha bulshada ayaa si weyn looga hadal hayaa, diyaarad nuuceeda aan horey loo arag dad badana ku tilmaameen mid layaab leh, ayaa ka degtay garoonka diyaaradaha Heathrow ee dalka Ingiriiska.

Sidoo kale, diyaarada Airbus Beluga ee loogu magac daray ‘diyaaradda adduunka ugu yaabka badan’ ayaa ka duushay garoonka diyaaradaha Toulouse ee dalka Faransiiska, waxaana diyaaradan markii ay ka degtay garoonka Heatthrow aad ula yaabay dadkii ku sugnaa garoonka  oo kusoo wada cararay.

Dhanka kale, muuqaalkan diyaaradan layaabka leh ayaa loo ekeesiiyay xayawaanka badda ku jira ee Nibiriga, waxa ayna dad  badan ku tilmaameen diyaaradan mid layaab leh muuqaalkeeda ayna jirin mid iyada lamid ah oo horey dunidda loogu arkay.

Diyaaradan hadal heynta bvadan dhalisay ayaa garoonka diyaaradaha ee Heathrow ka dejisay  qaybo ka mid ah qalabka lagu dayactiro diyaarad ay leedahay British Airways oo ku burburtay garoonka bidjii April ee sannadkan, diyaarada ayaana ilaa xilligaasi garoonka taalay oo sugeysay qalab.

Sikastaba, Shirkadaha diyaaradaha dunidda ayaa hadda ku tartamaya soo saarista diyaarado nuucyo cusub ah oo soo jiidasho leh, waxa ayna diyaarada Airbus Beluga hadda muuqaalkeeda noqday mid hadal heyn badan abuuray si weyna ula yaabeen dad badan oo arkay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.