DEG DEG: Dagaal udhexeeyo ciidank Koonfur Galbeed iyo ciidanka deegaanka Yaaqbiriweyne oo ka socda deegaanka Kabherik

Yaaqbiriweyne (Raxanreeb online) faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare kala duwan geystay oo hadda ka socda aagga Kabherik ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo wararka ayaa intasi ku daraya in dagaal uu udhexeeyo ciidanka ka amarqaata maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidanka deegaanka Yaaqbiriweyne ee looyaqaano Duufaanta Sheekh xasan Barsane.

Dhanka kale, khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkan ka dhashay ayaa lasoo sheegayaa in uu soo gaaray ciidanka koonfur Galbeed kaddib markii lagu soo qaaday weerar afarta jiho ugu imaaday sidaasina lagu gaarsiiyay khasaare farabadan.

Majiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka maamulka koonfur Galbeed oo ku aadan dagaalkan, ilaa haddana waxaa socdo dagaalka oo leysku adeegsanaayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Sikastaba, maalmo kahor ayey aheyd markii ciidanka koonfur Galbeed ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidanka deeganka Yaaqbiriweyne ay ku leeyihiin deegaanka Kabherik ee gobolka Shabeellaha hoose, tan iyo markaas deegaanka kabherik ayaa waxa laga dareemaayay xiisad kacsanaan ah oo u dhexeyso ciidanka deegaanka iyo ciidanka koonfur Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.