Dekadda Boosaaso oo laga dhoofiyay Xoolo aad utiro badan + Halka loo dhoofiyay

Boosaaso (Raxanreeb online) – Waxaa xalay dekadda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, laga dhoofiyay xoolo aad u tiro badan, kuwaa kuwaa oo loo suuqgeynaayo dalalka Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Cumaan, waxaana xoolahan la dhoofiyay iska leh ganacsato Soomaaliyeed.

Sidoo kale, xoolahan xalay laga dhoofiyay dekadda magaalada Boosaaso ayaa ahaa ku dhawaad 20-kun oo neef oo isugu jiray Geel, Lo’ iyo Ari, waxaana dekadda ka qaaday markab weyn iyo sidoo kale afar doomood, kuwaa oo geyn doona dalalka Carbeed ee loo iibgenayo.

Dhanka kale, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland, Cumar Cabdisamad Yuusuf, ayaa sheegay in ay ka wasaarad ahaan dadaal xooggan ku bixiyeen in la soo xulo xoolo nadiif ah, caafimaad qaba, isla markaana horseedaya in suuqa xoolaha ee Puntland la leedahay wadamada carabta uu sii xoogaysto.

Waxa uu sheegay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland, in xoolahan xalay laga dhoofiyay dekadda magaalada Boosaaso la mariyay hannaanka hubinta caafimaadka xoolaha ee waafaqsan nidaamka caalamiga ah.

Sikastaba, Puntland iyo deegaanno kale oo Soomaaliya katirsan, ayaa laga dhoofiyaa xoolo kala duwan oo loo iibgeeyo qaar kamid ah dalalka Carabta ee xiriirka ganacsi la leh Soomaaliya, waxaana dhoofka xoolahaasi dalkeenna kasoo gala dhaqaalo aad u badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.