Dowladda Itoobiya oo walaac kamuujisay dib uhabeynta lagu sameynaayo howlgalka midowga Africa.

Addis Ababa (Raxanreeb online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Itoobiya Danjire Taye Atske-Selassie ayaa xafiiskiisa magaalada Adis Ababa ku qaabilay danjire Mike Hammer oo ah ergeyga gaarka ah ee dowladda Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika.

Wasiirka iyo Ergayga Mareykanka ayaa kawada hadlay arrimo badan oo khuseeya xaalada siyaasadeed iyo midda amni ee ka taagan geeska Afrika, waxa ay sidoo kale kawada hadleen sidii xal loogu heli lahaa xiisadaha xilligan taagan.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Taye ayaa u sheegay ergayga Mareykanka in walaac xooggan ka qabaan dib u habaynta lagu sameenayo ciidamada ATMIS ee nabbad ilaalinta u jooga Soomaaliya iyo qorshaha lagu doonayo in ciidankooda looga soo saaro Soomaaliya.

Dhanka kale, Waxaa kale oo ay ka wada hadleen Wasiirka iyo Mike Hammer xaalada ka taagan gobolka Tigray. Danjire Taye ayaa muujiyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay in si buuxda loo fuliyo heshiiskii nabada ee lagu gaaray Pretoria ee dalka Koonfur Afrika.

Dowladda Itoobiya ayaana si weyn uga walaacsan in ciidankooa ku sugan gudaha Soomaaliya lasoo saaro, waxa ay sidoo kale ka walacasan yihiin in ciidamo nabbad ilaalin ah oo ka socda dalka Masar la geeyo Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in dib u habeyn lagu sameyn doono ciidamada ATMIS ee dalka ku sugan, waxa ayna dowladda dooneysaa in ciidamada Itoobiya ee hadda qeybta ka ah ATMIS dalka laga saaro, lana keeno dalka ciidamo cusub oo nabbad ilaalin ah oo ka socda Masar.

Leave a Reply

Your email address will not be published.