Dowladda Norway oo shaacisay in ay ka go’an tahay garab istaaga Soomaaliya

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la qaatay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya, Merete Dyrud.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dhinac, gaar ahaan arrimaha bini’aadantinimada iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

Merete Dyrud ayaa tilmaantay sida Dowladda Norway uga go’an tahay in ay sii garab istaagto dadaallada Soomaaliya ee la xiriira wax ka qabashada musiibooyinka iyo caqabadaha bani’aadantinimo, iyadoo ballanqaadday kordhinta taageerada gaar ahaan adeegyada gargaarka degdegga ah iyo horumarinta bulshada nugul.

Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA ayaa uga mahadceliyey Dowladda Norway taageerada joogtada ah ee istaraatiijiga ah, isaga oo xusay in taageerada Norway ay door muhiim ah ka qaadato dhismaha awoodda dalka ee wax ka qabashada musiibooyinka iyo dib u soo kabashada bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.