Wefdi ka socda ciidanka Masar oo gaaray Jowhar iyo ujeedka ay u tageen

Wefdi ka socda ciidanka Masar oo gaaray Jowhar iyo ujeedka ay u tageen

Jowhar ( Raxanreeb Online) Wafdi 16 xubnood ka kooban oo ka socda Ciidanka Masar ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-shabeelle, si ugu kuurgalaan xaalada amn ka hor imaatinka guutada ciidankooda ee ku biiraya howlgalka AUSSOM.

Wafdiga oo uu hoggaaminayo S/Gaas Islam Radwan ayaa waxaa Taliska Guud ee Qaybta 5-aad ku soo dhaweeyey taliyaha guutada ciidanka Burundi, G/Sare Oscar Hatungimana, halkaas oo ay ku qiimeeyeen xaaladda amniga Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Masar ayaa warbixin ka dhageystay G/Sare Hatungimana iyo kooxdiisa ka hor inta aanay kormeerin xarumo muhiim ah oo ku yaalla Garoonka Jowhar si loogu diyaargaroobo imaanshaha ciidanka

Sikastaba, ciidanka Masar ayaa u suuragashay inay sannadkan ay kamid noqdaan howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya, waxaana qorshaha uu yahay in bilaha soo socda ay soo garaan magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.