Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Pier Mario Dacco’ Coppi, iyagoona ka wada-hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga Dowladaha Hoose iyo xiriir dhex mara Maamulka Gobolka Banaadir iyo Gobolka Lambardia ee dalka Talyaaniga.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa la wadaagay Danjiraha Talyaaniga arrimaha hortebinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan horumarinta iyo dib-u-hawlgelinta kaabayaasha, dhismaha waddooyinka, bullaacadaha, biyo-mareennada, arrimaha waxbarashada, caafimaadka iyo xoojinta nidaamka maamulka iyo maaliyadda.
Danjiraha Talyaaniga Pier Mario Dacco’ Coppi, ayaa ka mahadceliyay soo-dhaweynta diiran ee loogu sameeyay Aqalka Dawladda Hoose, waxa uuna dhiirrigeliyay dadaalka Maamulka Gobolka Banaadir iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliya ee dib-u-dhiska, nabadaynta iyo la-dagaalanka Argagaxisada, isaga oo ballanqaaday in joogitaanka Talyaaniga ee gudaha Soomaaliya uu wax badan ka tari doono ka-miro-dhalinta dadaalladaas heerarka kala duwan ah.

Leave a Reply