Duulimaadyadii tagi jiray Kismaayo iyo Doolow oo maanta hakad galay + Sababta

Muqdisho (Raxanreeb online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta hakad galisay duulimaadyadii tegi lahaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose iyo deegaanno kale oo kamid ah gobolka Gedo.

Sidoo kale, Warar hoose ayaa sheegaya in si KMG ah loo hakiyay diyaaradihii tegi lahaa Kismaayo iyo degmada Doolow, arrimo la xiriira khilaafka u dhexeyso dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Dhanka kale, ilo ku dhow dhow garoonka diyaaradaha ayaa inoo sheegay in amarkan, oo maanta lasoo saaray uu isla maantaba dhaqangalay, waxaana ujeedka uu yahay in lagu cunaqabateeyo Axmed Madoobe iyo maamulkiisa.

Xayiraadan lagu soo ragay maanta duulimaadyadii tagi jiray Kismaayo, ayaa kusoo beegantay kaddib markii shalay ciidamada katirsan Jubbaland ay xoog ku wateen diyaarad rakaab gaysay Kismaayo, kadibna lagu qaaday mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo lagu geeyay garoonka diyaaradaha degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Ugudambeyntii, khilaafkan u dhexeyso DF iyo Jubbaland oo haatan u weecatay Gedo ayaa kasii dareysa, waxaana shalay labada dhinac ay ku dagaalameen degmada Doolow.

Leave a Reply

Your email address will not be published.