Gaari ay leedahay WFP oo ay lasocdeen qaar kamid ah shaqaaleheeda oo rasaas lagu furay.

Gaza (Raxanreeb online) – Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa sheegtay in hay’addeeda bini’aadantinimo ay si ku meel gaar ah u joojinayso isu socodka Marinka Qaza, ka dib markii gaari ay leedahay hay’adda lagu dhuftay ugu yaraan 10 xabadood markii uu ku soo dhawaaday bar kontorool oo Israel leedahay.

Sidoo kale, hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa sheegtay inay joojinayso dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha Qaza ilaa amar dambe, ka dib markii koox ka tirsan Hay’adda Qaramada Midoobay rasaas lagu furay meel ku dhow Koontaroolka ciidamada Israa’iil ee Buundada Waadi ee Qaza.

Dhanka kale, Kooxdan xabada lagu furay ayaa ka soo laabtay safar ay ku tageen Isgoyska Karam Abu Salem iyagoo wata laba baabuur oo gaashaaman ka dib markii ay galbiyeen kolonyo baabuur ah oo shixnad bini’aadantinimo u siday bartamaha Gaza.

Inkasta oo si cad loo calaamadeeyay oo ay dhawr jeer ogolaansho ka heleen maamulka Israa’iil si uu u soo dhawaado, baabuurka waxaa lagu dhuftay rasaas markii uu u sii socday bar kontorool sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Waxa lagu dhuftay ugu yaraan 10 xabadood inkastoo hay’adda Qaramada Midoobay ay sheegtay in aysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaartay shaqaalihii gaariga la socday.

WFP ayaa walaac weyn ka muujisay dhacdadan, waxayna sheegtay in joojinta dhaq dhaqaaqa shaqaaluhu ay tahay tallaabo taxaddar leh oo lagu xaqiijinayo badqabka shaqaalaheeda.

“Ururku waxa uu la xiriiray maamulka Israel si uu u baaro xaaladaha ku xeeran weerarka” ayaa lagu yiri war ay soo saartay WFP

“Tani gabi ahaanba waa wax aan la aqbali karin, waana tii ugu dambaysay ee dhawr shil oo amni oo aan loo baahnayn oo khatar gelisay nolosha kooxda WFP ee Gaza,” ayuu yiri agaasimaha fulinta ee heyadaas Cindy McCain .

Ugudambeyn, afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa u sheegay warfidiyeenka: “Tani waa dhacdadii ugu dambeysay ee lagu caddeeyo in nidaamyada la sameeyay ee isku-dubbaridu aysan shaqeynin, waxaana sii wadeynaa inaan la shaqeyno ciidanka Israel si loo hubiyo in dhacdooyinkan oo kale aysan mar kale dhicin.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.