Johannesburg (Raxanreeb online) – Duqa Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika Dada Morero, ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulmay hadal uu jeediyay uu ku dalbaday in ciidanka booliiska iyo kuwa taraafikada ah shaqo laga siiyo ajaaniibta sharciga heesata ee kunool dalka Koonfur Afrika.
Sidoo kale, siyaasiyiin mucaarad ah iyo dadweynaha magaalada Johannesburg qaarkood ayaa si kulul ugu dhaleeceeyay duqa magaalada hadalka uu jeediyay, waxa ayna tilmaameen in hadalkaasi uu ahaa mid aan laga fiirsan , iyagoona ugu baaqayay in uu is casilo.
Dhanka kale, duqa Johannesburg ayaana raali galin degdeg ah ka bixiyay hadalkii uu jeediyay, waxa uuna sheegay in uu ka laabtay hadalkiisii hore ee ahaa in la askareeyo lagana dhigo booliis iyo taraafiko ajaaniibta sharciga heesata ee kunool Koonfur Afrika.
”Waan ka xumahay hadalkii aan jeediyay, waana ka laabtay soojeedinteedii hore ” ayuu yiri duqa magaalada Johannesburg oo cadaadis xooggan kala kulmay soojeedintiisii ku aadaneyd in la askareeyo ajaaniibta sharciga heesata si ay qeyb uga noqdaan dagaalka lagula jiro faldambiyeedyada kordhaya.
Ugudambeyn, dad ka careysnaa hadalka duqa magaalada Johannesburg ayaana sidoo kale dibadbax ka dhigay afaafka hore ee xafiiskiisa, waxa ayna dadkan oo u muuqday kuwa ajaaniibta naceb ka dalbadeen duqa magaalada in uu is casilo kana tago shaqada.
Leave a Reply