Muqdisho (Raxanreeb online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo xalay shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay dib u eegista lagu sameeyay dastuurka KMG ah ee dalka, iyadoo diiradda lagu saarayay cutubyada 5-aad iyo 9-aad.
Intii uu socday kalfadhiga, guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka (ICRIC) iyo guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha dastuurka ayaa golaha wasiirada uga warbixiyay halka ay marayaan wadatashiyada ku saabsan cutubyadan. Wadahadaladu waxay iftiimiyeen ka qaybqaadashada dhowaan lala yeeshay kooxaha kala duwan ee bulshada si ay u ururiyaan fikrado ku saabsan dib u eegisyada la soo jeediyay.
Xubnaha golaha wasiirada ayaa su’aalo ka soo jeediyay cutubyada la soo bandhigay, iyagoo ku nuux-nuux saday in si deg deg ah loo dhameystiro dastuurka si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo hufnaanta dowladnimada.
Cutubyada 5-aad iyo 9-aad ayaa ahaa qodobbadii ugu dambeeyay ee laga doodayay, iyadoo Guddigu uu doonayo inuu ku daro ra’yiga dadweynaha iyo dhinacyada ay khusayso ka hor inta aan la horgeyn qodobada dib u habeynta lagu sameeyay ee Baarlamaanka Soomaaliya. Marka la soo gudbiyo, qodobbada ayaa mari doona akhrin badan ka hor codeynta ugu dambeysa ee baarlamaanka.
Bishii Maarso 2024, baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee labada aqal ayaa ansixiyay wax ka bedelka afarta cutub ee ugu horreeya dastuurka KMG ah ee dalka. Mid ka mid ah dib u eegista muhiimka ah ayaa siisay madaxweynaha awoodda magacaabista iyo xil ka qaadista ra’iisul wasaaraha, iyadoo lagu bedelay shuruudihii hore ee ahaa in baarlamaanka uu ansixiyo ra’iisul wasaaraha iyadoo codka kalsoonida loo qaadayo.
Leave a Reply