Golaha wasiirrada oo ansixiyay shuruucyo iyo heshiiso muhiim u ah dalka

Muqdisho (Raxanreeb Online) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey shuruuc iyo hehsiisyo muhiim u ah dalka.

Kulanka oo shir guddoomiyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa diirada lagu saaray arrimaha xuquuqda haweenka iyo iskaashiga  jawaabida xaalada abaarta dalka.

Inta uu kulanka socday golaha ayaa ansixiyay heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Rwanda, kaas oo ku saabsan iskaashiga guud ee labada dal. 2 ⁠hindise Sharciyeedka Reebidda Naafeynta Xubinta Taranka Dhedigga, oo ilaalinaya xuquuqda haweenka, loogana hortagayo tacaddiyada loo geysto. 3.⁠ ⁠Istaratiijiyadda Qaran ee Haweenka, Nabadda iyo Amniga, oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ee horumarinta ka qeybgalka haweenka ee hormarka dalka. 4, ⁠Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura, si Soomaaliya uga mid noqoto wadammada ka faa’iideysta adeegyada iyo cilmi-baarista dayax-gacmeedyada.

Sidoo kale Kulanka, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira ammaanka guud ee dalka, Shirweynihii Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed iyo Arrimaha Abaaraha.

Geesta kale guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka ee (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa golaha u soo bandhigay warbixin la xiriirta dadaallada gurmadka ee socda iyo qorshaha looga jawaabayo wax ka qabashada abaaraha , iyada oo dad dhan 4.4 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa faray hey’adaha dowladda ee ku shaqada leh arrintan in ay si deg-deg ah uga jawaabaan oo gurmad lala gaaro shacabka Soomaaliyeed ee ay saameynta ku yeelatay abaarta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.