Golaha wasiirrada oo xilkii ka qaaday Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, kaasi oo loo magacaabay Xuseen Khaasim Yuusuf, kadib soojeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka golaha oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga dalka iyo howlgallada ciidamada qalabka sida ay ku ciribtirayaan kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Golaha, ayaa ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud, kaasi oo aysoo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambayn. Golaha Wasiirrada ayaa Darajada Safiirnimo u dalacsiiyey Nuur Maxamuud Sheekh, kadib soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.