Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Somaliland oo sheegay in ay isku dayayaan in ay xakameeyaan sicir bararka.

Hargeysa (Raxanreeb online) – Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somaliland Cali Daahir Cabdillaahi ayaa sheegay inay wadaan tallaabooyin ay ku xakamaynayaan sare u kac ku yimid sarrifka dollar-ka oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka iyo suuqyada ganacsiga ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, guddoomiye Cali Daahir ayaa beeniyay inay jiraan lacago cusub oo Bankiga Dhexe uu suuqyada soo galiyay, isagoo dhinaca kalena tilmaamay in kor kaca sarrifka dollar-ka oo xoogeystay intii ay xoogeyteen ololeyaasha doorashada uu hoos u dhigay shillinka Somaliland.

Sikastaba, sara ukaca sarifka lacaga ee magaalada Hargeysa ayaa kusoo beegmeysa xili deegaannada maamulka Soomaaliland laga dareemaayo ololaha doorashooyinka, iyadoo xisbiyada ay bilaabeen in tagaan deegaannada si ay bulshada deegannadaas ugu soo bandhigaan wax qabad kooda haddii ay qabtaan dalka maamulkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.