Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya Charles King, waxaana kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iyo dardargelinta xiriirka labada dal.
Danjiraha oo ugu horeyn Guddoomiyaha uga mahadceliyay soo dhoweyntiisa ayaa xusay in mudadii uu xilka hayay uu xoogga saaray sidii loo horumarin lahaa iskaashiga iyo xiriirka labada wadan, waxaana uu carrabka ku adkeeyay in Dowladda Ingiriiska ka go’an tahay sii adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo joogteynta taageerada ay Soomaaliya la garab taagan tahay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay Dowladda Ingiriiska iyo shacabka reer UK taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, amniga iyo dhismaha dowladnimada.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa safiirka uga warbixiyay shaqooyinka Golaha Shacabka iyo horumarka ka socda dalka, waxaana uu xusay in Baarlamaanka Soomaaliya kalfadhiga todobaad uu xooga saari doono dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka dalka.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caddeeyay sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, taas oo shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dastuuriga dib loogu celinayo si ay madaxdooda si toos ah ugu soo doortaan.

Leave a Reply