Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galay kalfadhiga 151-aad ee Baarlamaanka Aduunka

Geneva ( Raxanreeb Online) Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qeyb galay furitaanka kalfadhiga 151-aad ee Shirweynaha Baarlamaanka Aduunka (IPU).

Shirka sanadkan waxa uu diiradda saaraya ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo taageeridda howlaha bani’aadantinimo xilliyada dhibaatooyinka ka jira caalamka. Inta uu shirka socdo, ka qeybgalayaasha ayaa ka doodi doona arrimahan, sidoo kalena is-weydaarsan doona aragtiyo iyo talooyin ku saabsan sida wax looga qaban karo.

Guddoomiye Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee Soomaaliya, guulaha dowladda ay ka gaartay la dagaalanka argagixisada iyo amniga, iyo sidoo kale arrimaha ku saabsan halkudhigga shirka ee sanadkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.