Howlgal lagu dilay 12 xubnood oo katirsanaa AS oo laga fuliyay gobolka Galgaduud

Galgaduud ( Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa howlgal qorsheysan oo ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ay ka fuliyeen deegaanka Ceel-dhiiqo Weyne, oo u dhexeeya deegaannada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas ee Gobolka Galgaduud.

Howlgalka ayaa la sheegay in lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, oo ay ku jiraan horjoogayaal, halka 13 kalena dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay howlgalka sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay hay’adda NISA.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in howlgalka inta uu socday la beegsaday xarun lagu diyaarinayay in ka badan 400 oo maleeshiyaad ah, waxaana la tilmaamay in ciidanku ay ku raad-joogaan xubnihii katirsanaa Al-shabaab ee u baxsday dhanka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka ay ciidanka NISA, ka sameeyeen deegaanka Ceel-dhiiqo Weyne, ayaa lagu sheegay in uu qeyb ka ahaa howlgallada lagu xoreynayo deegaanada ay kooxda Al-shabaab, kaga sugan yihiin gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.