Galgaduud ( Raxanreeb Online) Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howlgal qorsheysan oo ciidanka xoogga dalka, ay ka fuliyeen deegaanka Nooleye ee katirsan gobolka Galgauud ee bartamaha Soomaaliya.
Howlgalka ayaa lagu sheegay in lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay ku sugnayeen maleeshyaad katirsan kooxda Al-shabaab.
Qoraalka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay 4 xubnood oo katirsan Al-shabaab.
“ Howlgalka waxa uu ahaa mid qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka Qaranka. Xogta hordhaca ah waxay tilmaameysa in ugu yaraan 4 ka tirsan maleeshiyaadka argagixisada lagu dilay”, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.
Sikastaba, Howlgalkan ayaa la sheegay in uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha Daacish iyo Al-shabaab si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Leave a Reply