Iran oo balan qaadyo ka heshay dalalka carbeed iyadoo Isra’iil la filayo in weeraro kuqaado Tehran

Tehran (Raxanreeb online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi, ayaa sheegay in waddamada dariska ah ay ballanqaadeen in aysan oggolaan doonin in loo isticmaalo “caradooda ama hawadooda” weerar kasta, oo ay Israa’iil qorsheeneyso in ay uga aar gudato Iran.

Sidoo kale, waxa uu sheegay Wasiirka in waddamada Carbeed ee Bariga Dhaxe u xaqiijiyeen in aysan marnaba oggolaan doonin in Israa’iil hawadooda isticmaasho, si ay weerar aargoosi ah ugu qaado qeybo kamid ah gudaha dalka Iran.

“Dhammaan dalalka deriska nala ah waxay noo xaqiijiyeen in aysan oggolaan doonin in ciidamadooda ama hawadooda loo adeegsado ka dhanka ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran,” ayuu Araghchi u sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Kuwait, toddobaadyo ka dib markii Iran ay weerar gantaal ah ku qaadday Israa’iil 1-dii Oktoobar.

Dhanka kale, Kahor dalka Kuweyt, Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Iran Araghchi waxa uu ku sugnaa dalka Baxrayn isniintii isagoo qayb ka ah socdaal goboleed oo sidoo kale horey u tagay dalalka Sucuudiga, Qatar, Cumaan, Ciraaq, Masar iyo Turkiga.

“Waxaan si dhow ula soconaa dhaq-dhaqaaqyada saldhigyada Mareykanka ee gobolka, waxaana la soconaa dhammaan dhaqdhaqaaqooda iyo duullimaadyadooda,” ayuu yiri Araghchi, isagoo raaciyay: “Haddii Israa’iil ay weerarto Iran nooc kasta, Iran waxay uga jawaabi doontaa qaab isku mid ah.”

Sikastaba, dowladda Maraykanka, oo ah xulafada adag ee Israa’iil, ayaa ciidamo badan  milatari waxa ay ka joogaan dalal kuyaalla  gobolka oo dhan oo ay ku jiraan dalalka Bahrain, Kuwait, Qatar iyo Imaaraadka Carabta, waxa ayna Iran Mareykanka uga digtay in Israa’iil ku caawiyaan weerarka aargoosiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.