Maxaas ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in dagaal xooggan kaddib ay kooxda Al-shabaab la waregeen gacan ku heynta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Dagaal qaatay muddo 5 saac oo u dhaxeeyey ciidanka dowladda oo kaashanaya Macawiisleey iyo kooxda Al-shabaab, ayaa geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka uu dhintay taliyihii Nabad sugida ee degmada Cadaado oo dagaal qeyb ka ahaa, sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha degmada Maxaas.
Geesta kale dagaalka ayaa markii hore ka biloowday deegaanka Ceelgorof oo ku yaalla xadka ay wadagaan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.
Sidoo kale saraakiil katirsan ciidanka xoogga, ayaa sheegay in degmada Maxaas ay uga baxeen taatiko ciidan, balse aysan heyn weerarka kaga yimid Al-shabaab.
Weli si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ee soo kala gaaray labada dhinac.
Degmada Maxaas oo aheyd xudunta abaabulka ka dhanka ah dagaalka Al-shabaab, ayaa muddo dhowr sanno kaddib, ay maanta u suura gashay Al-shabaab la wareegaan.
Taliska ciidanka xoogga iyo maamulka Hir-shabeelle, midkoodna weli kama hadlin khasaaraha dagaalka ee maanta ka dhacay goboka Hiiraan.

Leave a Reply