Laascaanood ( Raxanreeb Online) Waxaa maanta la shaaciyay liiska Xildhibaanada golaha wakiilada maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, oo maalmihii lasoo dhaafay xulistiisa ku howlanayeen guddiga loo xilsaaray.
Liiskan oo ka kooban 83 mudane oo loo qeybiyay beelaha degga gobollada maamulkaasi ka taliyo, ayaa waxaa kamid noqday 4 haween ah iyo 79 rag ah.
Sida ku cad liiska Xildhibaanada cusub ayaa 37 kamid ah waxaa laga soo xulay gobolka Sanaag, halka gobolka Sool laga keenay 30 mdane, halka 16 kalana laga keenay goboka Togdheer.
Guddiga hubinta iyo ansixinta xildhibaanada, ayaa shaaciyay in dhinac walbo ay ka xaqiijiyeen liiska, ka hor inta aysan ku dhawaaqin.
Hoos ka akhriso magacyada Xildhibaanada maamulka Waqooyi Bari.




Leave a Reply