Falastiin ( Raxanreeb Online) Kumanaan qof oo degan Koonfurta xaafadda Zaytuun ee magaalada Qasa ayaa ka cararaya, halkaas oo duqeymo joogto ah oo Israa’iil ay maalmo ka waday ay ka abuureen xaalad “musiibo ah”, sida ay warbaahinta u sheegeen maamulka magaalada Qasa ee ay maamusho Xamaas.
Ugu yaraan 40 qof ayaa lagu dilay weerarro Israa’iil ka geysatay guud ahaan dhulka Qasa Sabtidii, sida ay sheegtay hay’adda gurmadka degdegga ah ee Qasa.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in mar kale ay oggolaan doonaan in teendhooyin ay hay’adaha gargaarku keenaan gudaha Qasa. Israa’iil waxay qorsheyneysaa in si qasab ah hal milyan oo qof looga raro magaalada Qasa loona raro xeryo ku yaalla koonfurta.
Ugu yaraan 1.9 milyan oo qof oo ku sugan Qasa – ama ku dhowaad 90 boqolkiiba dadweynaha – ayaa barakacay, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Leave a Reply