Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay in lasoo afjaray kooxihii hubeysanaa ee ka dagaalamayay Baydhabo

Baydhabo ( Raxanreeb Online) Mamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in lasoo gabe-gabeeyay howlgal culus oo maanta ka socday magaalada Baydhabo, kaasi oo lagu beegsanayay kooxo magaalada ka waday falal wax u dhimaya amniga.

Qoraal lagu baahiyay telefashinka maamulka Koonfur Galbeed, ayaa lagu sheegay in howlgalka uu biloowday saacadihii hore ee saakay, isla markaana kooxo ay mas’uuliyiinta ku shegeen kuwa lidi ku ah amniga magaalada, kana shaqeynayay falal wax u dhimaya ammaanka guud ee magaalada Baydhabo.

Maxamed Ibraahim Bilaal oo ah wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed, ayaa si rasmi ah u shaaciyay in kooxihii hubeysnaa ee khatarta ku ahaa amniga magaalada la wiiqay, isla markaana la joojiyay dhaq-dhaqaaqii ay wadeen.

Waxa uu intaas ku daray in howlgalka uu horseeday dib u soo celinta xasiloonida iyo badqabka shacabka reer Baydhabo.

Sidoo kale wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed, ayaa carabka ku dhuftay in ciidanka amniga ay muujiyeen feejignaan iyo karti, waxa uuna tilmaamay in hadda ay xaaladda deggan tahay, isla markaana aysan jirin wax dhibaato ah.

Sikastaba, dagaalka tan iyo shalay magaalada Baydhabo, ka dhacay ayaa la sheegay inuu geystay khasaaro naf iyo maalba leh, wallow ilaa iyo hadda aan si rasmi ah loo geyn khasaaraha uu geystay dagaalka, marka laga soo tago in 10 ruux oo shacab ah oo qaba dhaawacyo kala duwan la jiifiyay isbitaalka guud ee magaalada Baydhabo ee xarunta KMG uah maamulka Koonfur Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.