Madaxda Galmudug iyo Puntland oo xoojiyay iskaashiga dhinacyada amniga iyo horumarka.

Gaalkacyo (Raxanreeb online) – Madaxda maamul goboleedyada Galmudug iyo Puntland Axmed Cabdi Kaariye iyo Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay shir guddoominayay shir heerkiisu sareeyo oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo.

Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socday labada maamul ayaa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa dhinacyada muhiimka ah sida amniga, ganacsiga, nabadeynta, iyo horumarinta.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay dib u milicsadeen heshiiskii iskaashi ee ay horay u wada gaareen, iyagoo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay, caqabadaha jira, iyo fursadaha wadashaqeyn dheeraad ah. Natiijadii ugu weyneyd ee ka soo baxday wada-hadallada ayaa ahaa qorshe-hawleed lagu dardargelinayo dadaallada nabadeed ee colaadaha u nugul ee gobolka Mudug.

Labada dowladood waxay ku heshiiyeen dhowr qodob oo muhiim ah:

1. Xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, nabadda, ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha, iyo isdhexgalka bulshada Galmudug iyo Puntland.

2. In saddexdii biloodba mar la qabto shirar heer wasiir ah oo lagula soconayo, laguna xaqiijinayo horumarka dhinacyadan.

3. In laga hirgeliyo mashaariic horumarineed goobaha colaaduhu ka jiraan si bulshada looga caawiyo soo kabashada.

4. In si wada jir ah loo daraaseeyo maaraynta biyo mareenada degmada Gaalkacyo si wax looga qabto baahiyaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.