Madaxweyne Erdogan oo sheegay in uu booqasho ku tagi doona Ethiopia iyo Somalaia

Ankara (Raxanreeb online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa khudbad uu jeediyay laga soo xigtay in uu Soomaaliya iyo Ethiopia booqanayo labada bilood ee u horreeya sannadka 2025.

Sidoo kale, Safarka madaxweyne Erdoğan ee Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa imaanaya maalmo kaddib markii labada dowladood gaareen heshiis uu dhex-dhexaadinayay Turkiga, kaasi oo lagu dhammeeyay Khilaafkii labada dhinac

“Waxaan booqan doonaa Ethiopia iyo Soomaaliya labada bilood ee u horreeya sannadka soo socda waxaana Caalamka la wadaagi doonaa tallaabada aan aadnay” ayuu yiri Madaxweyne Recep Erdoğan.

Dhanka kaldd, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa ku heshiiyay in Itoobiya marin badeed ka hesho badda Soomaaliya, kaasi oo ay u isticmaali doonto deked ay adeegsato, kadib markii loo maro heshiis ku dhisan hannaan ganacsi oo laba geesood ah.

Labada dowladood ayaa sidoo kale ku heshiiyay dhawrista madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee labada dal, taasi oo ku salaysan is-qaddarin iyo ilaalinta qarannimada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sikastaba, Heshiiskani ayaa dhigaya in labada dal bilaabaan wada-hadallo farsamo, si loo helo marin badeed ammaan ah, oo ay Itoobiya ku gaarayso badda Soomaaliya, kaasi oo bilaaban doona ugu danbayn bisha Febraayo ee sannadka 2025, ayna fududeyn doonto dowladda Turkiga

Leave a Reply

Your email address will not be published.