Madaxweyne Trump oo rajo ka muujiyay wadahadallada Iran

Washington (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Iiraan ay doonayso inay heshiis ka gaarto barnaamijkeeda nukliyeerka.

Hadalkiisa ayaa yimid ka hor wareegii labaad ee wadaxaajoodyada aan tooska ahayn ee u dhexeeya wakiillada Mareykanka iyo Iiraan ee ka dhacaya Geneva, iyadoo ay dhexdhexaadineyso dowladda Khaliijka ee Cumaan.

Isagoo la hadlayay weriyeyaasha xili uu saarnaa diyaaraddiisa Air Force One, Mr Trump waxa uu sheegay inuusan u maleyneynin in maamulka Iiraan ay rabaan inay wajahaan “cawaaqibka ka dhalan kara inaan heshiis la gaarin.”

Dhankeeda, wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan, (iyada oo loo marayo afhayeenkeeda, Esmaeil Baqaei) ayaa sheegtay in Mareykanka uu u dhaqaaqay dhan macquul gal ah oo ku saabsan wadahadallada ku barnaamijka nukliyeerka ee Tehran.

Leave a Reply

Your email address will not be published.